Bismilaah
Sidee ayay 16-ka qeyb ee Season 2 u beddeleen fikirkeyga, nolosheyda, iyo ducadeeydaba? 🧠✨ Qeybtaan waxaan kula wadaagayaa 3 qodob oo noloshayda si gaar ah u taabtay, iyo sida aad adiguna ficil uga dhigi karto.
Waxaa intaa dheer:
wax yar oo kuu iftiiminaya waxa ku sugaya toddobaadyada soo socda.
Waa gunaanad, waa xasuus… waa bilow cusub! 🌙🚀
--------
32:17
SE02EP15: Ma Dooneysaa Inaad 90 Maalmood Is Beddel Ku Samayso? 🌱
Bismilaah;
Ma ogtahay in 90 maalmood oo kaliya aad ku beddeli karto maskaxdaada, jirkaaga, iyo ruuxdaada? 🎯
Qaybtan waxaan ku qaadaa dhigaynaa:
🧠 Hal wax oo maskaxdaada kobcinaya
💪 Hal ficil oo jirkaaga xoojinaya
🕊️ Hal tallaabo oo ruuxaaga sare u qaadaysa
✨ Haddii aad rabto in 90-ka maalmood ee foodda inagu soo haya ay noqdaan kuwii ugu qiimaha badnaa, halkii saxda ahayd ayaad timid!
Dhagaysi wacan! 🎧
--------
14:33
SE02EP14: Adiga Aan Weli Dhiirranin (The You That Hasn’t Been Brave Yet) The Mindset shift serie
Bismilaah;
90-kii maalmood ee ugu horreeyey 2025 waa dhammaadeen. Siduu ahaay safarkaagii? Maxaad Haleeshay? Maxaad seegtay? ⏳🤔
🔹 Ma ogtahay in qayb cusub ay kugu jirto, balse u baahan inaad soo saarto? 🚀
🔹 Ha noqon qof aasa qayb asaga ka mid ah. Baro, tijaabi, oo hel qaybta adiga kaa maqan! 🔥
Dhagaysi wacan!
--------
13:01
SE02EP13: Ku Sagooti Su’aashan Ramadaanka 1446/2025! ✨
Bismilaah;
Qaybtan waxaan diiradda saaraynaa sagootinta Ramadaanka 2025 si qoto dheer oo xusuus mudan. 🕌✨ Waxan halkan qaada dhignay saddex su’aalood oo kaa caawinaya inaad ka tagto qayb ka mid ah naftaada sannadkan, si aad sanadaha dambe dib ugu milicsato Ramadaankan gaarka ah. Ma doonaysaa inaad ka tagto xusuus kaa farxisa marka aad dib u jaleecdo? Hadba Ila qor🎤✍️
Dhageyso oo qoro xusuustaada maanta! 🚀
--------
18:55
SE02EP12 Ducadaada Weynee! Ha Seegin 10-ka Habeen ee Ugu Khayrka Badan 🌙🤲🏽
Bismilaah;
10-ka habeen ee ugu fadliga badan waa nala soo gaadhay! 🌙✨ Xalqadan gaaban, waxaan ka hadli doonaa muhiimadda ducada iyo sida aan uga faa’iidaysan karno fursadan gaarka ah. 🤲🏽💫
Ha moogan!